
Kismaayo(PP):Ciidamda AMISOM ee jooga Kismaayo ayaa gacanta ku dhigay markab si sharci daro ah uga kalluumaysanyey xeebta Kismaayo, siday sheegeen AMISOM.
Taliyaha AMISOM ee gobolka Jubada hoose oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in markabka iyo 9 shaqaale ah oo saarna ay ku wareejiyeen maamulka Jubbaland.
Waxaa uu sheegay inay la dagaalami doonaan maraakiibta sida sharci darrada uga kaluumeysta xeebaha Kismaayo,isago sheegay inay xoojin doonan howlgalada xeebta.
Afhyeenka Maamulka Jubbland Cabdinaasir Seerar ayaa isna sheegay in Markabka laga soo qabto xeebta Kismaayo uuna si sharci daro ah uga Kalluumaysanayey,waxaa uuna xusay in laga leeyahay wadanka Madagaskar, balse kama hadlin dadkii markabka saarna iyo waxa uu siday.
Puntlandpost.com.
Xasan Baashe.