Muqdisho(pp) Madaxda mamuladda Puntland iyo Gal-Mudug ayaa Muqdisho la tagaya iyagoo sida aragtida shacabkooda ee la xariirta nidaamka lagu wajahayo doorashada 2016 Soomaaliya.
Dowadda Federaalka Soomaaliya, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa isku raacsan in doorashada dhici doonta dhamaadka 2016 lagu saleeyo nidaamka afar dhibic shan, taasoo Puntland iyo Jubbaland doonayaan in laga gudbo.
Puntland oo qayb ka ah nidaamka dowladda Federaalka ku dhisan tahay ayaa shacab gaaraya 600 waydiisay doorasho noocee ah ayaa dhici doonto?, dadkaasi ayaa guud ahaan isku raacay in doorasahdu noqoto hab deegaan isla markasna aan dib loogu laaban nidaamkii hore, waxa kale Jubbaland aragtidooda tahay tan Puntland ee deeganka.
Balse madaxda DFS ayaa cadaadis ku saaraya labadaasi mamul inay la qaataan aragtidooda ah in doorashada sidii hore lagu galo.
Shirka 10-ka bishaan ka qabsoomaya Muqdisho ayaa lagu go’aaminayaa doorashada iyo noocey noqon doonto hase yeeshee inta ka horaysa waxaa Puntland iyo Jubbaland lagu qancinayaa inay ka tanaasulaan nidaamka habka deegaanka.
Puntland ayaa sheegtay inay dib ugu soo celin doonto waxay kala kulanto shirka Muqdisho, maadama ay jawaab sugayaan dadkii aragtida laga aruuriyey.
Madaxwaynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole ayaa ku taliyay inaan dib loogu laaban nidaamkii 4.5 kaasoo dadka qaarkiid aaminsan yihiin inuu caqabad ku yahay shacabka Soomaaliyeed.
DHAGAYSO FAROLE oo ku taliyay inaan lagu laaban 4.5
Puntlandpost.com