Wasiir Haweenka oo la kulantay Shacabka Buurtinle(Sawirro)

Garowe(PP): Wasiirka Haweenka Puntland Anisa Xaaji Muumin ayaa maanta la kulantay Shacabka magaalada Buurtinle ee gobolka Nugaal,waxayna usoo gudbiyeen baahiyaha Dumarka.

Anisa oo safarkeedu salka ku hayey olalaha 16ka maalmood ee looga hortagayo shaqaaqooyinka loogaysto Haweenka sida kufsiga,ayey shacabka kawada hadleen in kufsiga Haweenka lagu dhameeyo Maxkamadd.

Wasiirka ayaa ka codsatay Odayaasha iyo qaybaha kale ee bulshada in kufsiga Gabdhaha lagu dhameeyo maxkamadd, islamarkaana aan si hoose loo dhamayn lagana gudbo xeer hoosaadka dhaqanka.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegtay in baahiya ay usoo gudbiyeen shacabka Buutinle ay wax qaban doonaan,waxayna xustay in maalinta bari ah degmada laga dhagax dhigi doono xarunta Haweeenka,xaruntaas oo ka shaqayn doonta hormarinta Haweenka.

Wasiirka Haweenka Anisa ayaa sidoo kale ka qayb gashay kulan looga ahdlayey 16ka maamlmood ee looga hortagayo shaqaaqooyinka loo gaysto Haweenka,waxana sidoo kale kulanka kasoo qayb galay maamulka degmada iyo shacabka.

Kulanka intuu socday ayaa laga wada hadlay sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka loogaysto Haweenka islamarkaana ay raga ula qayb san lahaayeen shaqooyinka.

Anisa Xaaji ayaa sheegtay in loo baahanayhay in laga hortago shaqaaqooinka Haweenka,waxayna xustay in Dumarka aan la takorin oo shaqooyinka ay Raga kula tartamaan.

IMG-20151208-WA0001 IMG-20151208-WA0005 IMG-20151208-WA0006 IMG-20151208-WA0007 IMG-20151208-WA0010 IMG-20151208-WA0009 IMG-20151208-WA0008 IMG-20151208-WA0011 IMG-20151208-WA0013 IMG-20151208-WA0012 IMG-20151208-WA0016 IMG-20151208-WA0014 IMG-20151208-WA0018 IMG-20151208-WA0017 IMG-20151208-WA0015 IMG-20151208-WA0019 IMG-20151208-WA0020 IMG-20151208-WA0021 IMG-20151208-WA0022 IMG-20151208-WA0023 IMG-20151208-WA0025 IMG-20151208-WA0026 IMG-20151208-WA0028 IMG-20151208-WA0027

Puntlandpost.com.

PP.Puntlandpost.@gmail.com.

Xasan baashe.