Daawo:- Dowrkii Culimaddu ka qaateen dadaalada Nabadda Gaalkacyo

Gaalkacyo(pp) Magalada Gaalkacyo weli waxaa ka socda dadaalada Nabadda ee u dhaxaeeya Puntland iyo Gal-Mudug, dowr muuqda waxaa ka qaatay culimadda Soomaaliyeed.

Shiikh Muxyadiin Sh.Yuusuf Barre iyo Shiikh Mursal Shire Maxamed oo ka mid ah culimadda Koonfurta iyo Waqooyiga magalada Gaalkacyo ayaa Somalichennal uga waramay nabadda iyo faa’iidooyinka ay lee dahay iyo sida ay muhiimka u tahay in guud ahaan laga wada shaqeeyo maslaxada dadka iyo amnigooda.

Waxay mar kale ku baaqeen in la xoojito nabadda maadama tiirarka nolasha qayb ka tahay amniga iyo imaanka, waxayna culimadaan hadlay ka mid ahaayeen kuwii goobjoog u ahaa wada hadalkii shalay ee garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.

Heshiiskii la wada gaaray ayaa lagu wadaa in maanta la dhaqan galiyo, waxana ugu horaysa in la kala qaado ciidamada iyo xabad joojinta.

Puntlandpost.com
Xafiiska Gaalkacyo