diyaarad Drones ah oo xalay duqaysay xarun Alshabaab ka dagantahay Sh/hoose

Marka(PP): Diyaarad nooca loo yaqaan Droneska ayaa xalay fiidkii duqaysay xarun Alshabaab ay ku lahaayeen Kuunyo-barow oo 90-km dhanka koofur galbeed ka xigta degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Kuunya-barow oo dhanka wadada Kismaayo aada xigta ayaa xalay laga maqlayey gantaalo ay ku ridaysay diyaaradu,waxaanse wali lasoo sheegin khasaare ay gaysteen.

Diyaarada ayaan laga ranayn wadanka laga leeyahay,Afhayeen maamulka Sh/hoose Maxamed Xuseen Shiine ayaa sheegay inay jirto duqayntu oo diyaarad Drones ah ay bartilmaameed satay xarun Alshabaab ku leeyihiin degaanka Kuunyo-barow.

Mudo dhowr iyo toban bari ka hor ah ayey ahayd markii diyaarad drones ah duqaysay degaanka Baladul-Amiin oo ka tirsan degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose,dadka Deegaanka ayaana sheegaya inay cabsi ka qabaan waxyeelo kasoo gaartay duqaymaha diyaaradaha.

Puntlandpost.com
Xasan Baashe.