Garowe(PP): Ra’iisul wasaarihii hore ee Dowladdii KMG ka ahayd Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kusugan Amerika ayaa ka hadlay doorashada la filayo inay Soomaaliya ka dhacdo 2016,waxa uuna sheegay in doorashadasi ka duwaanaato kuwii hore.
Farmaajo ayaa tilmaamay in la tixgaliyo Aragtida shacabka islamarkaana iyaga fursad loo siiyo Qofka hogaaminaya waxaa uuna xusay in doorashadu aysan noqon doorashadii 2012kii oo kale oo Odayaasha dhaqanku soo xuleen Xildhibaanada, islamarkaana ay doorteen Madaxweynaha.
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in muhiim tahay Qeybaha kala duwan ee Bulshada looga fadhiyo iney aragtidooda ka dhiibtaan sida ay noqoneyso doorashada 2016.
Dhawaan waxaa magaalooyinka qaarkood lagu soo gaba gabeeyey shirar shacabka lagu waydiinayey Aragtidooda ku aadan qaabka noqonayso doorashada Soomaaliya.
Shacabka Puntland ayaa doortay in doorashada lagu saleeyo habka deegaanka islamarkaana dib aan loogu noqon habka 4.5ka.
Puntlandpost.com.
Xasan Baashe.