Wasiirka Haweenka oo ka hadashay sanadkii koowaad ee Barnaamijka CARMMA (DHAGAYSO)

Garowe(pp) Wasiirka Haweenka Puntland Aniso Xaaji Muumin oo sidoo kale ah Danjiraha barnaamijka CARMMA ee ka hortaga isku furunka hooyada uurka leh iyo xanaaneynteeda ayaa ka hadashay sanad ka dib waxa u qabsoomay, ka dib munaasib shalay lagu qabtay hoolka shirarka Jaamacadda PSU ee magalada Garowe.

Munaasibadaasi ayaa salka ku haysay waxa u qabsoomay barnaamijka CARMMA in lasoo bandhigo maadama uu yahay mid lagu caawinayo hooyada iyo cunigeeda, waxaa kasoo qayb galay madaxwayne ku xigeenka Puntland, Wasiirkii hore ee addeega bulshada DFS ahna Danjiraha CARMMA Somalia, masuuliyiin ka socda wasaradaha dowladda, saraakiil ka socda Hay’adda UNFPA iyo marti sharaf kale.

Danjiraha barnaamijka CARMMA Puntland Aniso Xaaji Muumin oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa kasoo jeedisey munaasibadaasi ayaa ka warantay tan iyo markii Olalahan la bilaabay dhanka Puntland waxa u qabsoomay, waxayna sheegtay inay wacyi galino gaarsiiyeen goobaha dadka danyarta ah iyo magaalooyinka taasoo looga dan lee yahay in laga hortago hooyada uurka leh inay dhibaato soo food saaro iyo inay ku xirnaato goobaha caafimaadka sida MCH-ka.

Aniso waxay sheegtay culimadda Soomaaliyeed in looga baahan yahay wacyi galintan inay qaataan oo dadka gaarsiiyaan, sidoo kalena goobaha dadku ku kulmaan ee baraha balshada wacyi galinta la gaarsiiyo.

Qurba joogta ayay ugu baaqday inay kaalin ka qaataan Olalaha CARMMA ayna dowrkooda muujiyaan si sanadka danbe guulo waa weyn loo gaaro, waxayna dhankeeda balan qaaday inay dadaalka ay wadaan sii kordhin doonaan iyadoo la kaashanaysa dhinayacada wada shaqayntu kala dhaxayso sida wasaradda Caafimaadka iyo UNFPA.

Barnaamijka CARMMA Puntland ayaa la sameeyay 17-ka November ee sanadkii hore,waxana muhiimadiisa tahay sidii wax badan loogu qaban lahaa haweenka uurka leh ee aan helin daryeel caafimaad iyo wacyi galin joogta ah.
DHAGAYSO Codka wasiirka Haweenka
IMG_8943

IMG_8957

IMG_8979

IMG_9081

IMG_9154

IMG_9302

IMG_9491
Cali Cabdi Ducale
Puntlandpost.com