Puntland iyo Gal-Mudug oo heshiinaya iyo dadaaladda nabadda Gaalkacyo oo meel wanagsan maraya

Gaalkacyo(pp) Sida aan horay u baahiney waxaa lagu waday saaka in shir lagu shaacinayo heshiiska Puntland iyo Gal-Mudug ka qabsoomo garoonka diyaaradaha magalada Gaalkacyo (Cabdilaahi Yuusuf) kaasoo ilaa iyo hada aan la qaban qaabin.

Wararka uu helayo Puntland Today ayaa sheegaya in madaxda sida madaxwaynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya Cumar Cabdirashiid ku sugan yihiin hoyga uu Gaalkacyo ka degan yahay madaxwayne Gaas, waxana jira warar intaa ka baxsan oo tilmaamaya heshiis afar qodob oo labada dhinac mid gaarkiisa loogala hadlay ku wada heshiiyeen Puntland iyo Galmudug.

Wakiilada ka socda beesha caalamka oo loosoo diray inay goob joog ka noqdaan wada hadalka labada dhinac ayaa saaka doonaya inay dib uga laabtaan Gaalkacyo, waana tan keentay in heshiiska madaxda Puntland iyo Galmudug ku gaaraan garoonka Cabdilaahi Yuusuf hase yeeshee weli wax shir ah ama wada hadal ah lagama bilaabin halka la qorsheeyay.

Xaalada Gaalkacyo ayaa saaka degan walow si weyn dadku u hadal hayaan dhaqan galinta heshiiska la gaari doono iyo sida labada mamul ugu dhaqmi doonaan.

Mmadaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo la hadlayay Radio Daljir ayaa sheegay inuu wax badan kala socda dadaalada nabadda ee Gaalkacyo wuxuna sheegay inuu ka xun yihiin wixii dhowaan dhacay.

Balse madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa horay u sheegay in dagaalkii Gaalkacyo ka dhacay qayb ka ahaayeen ciidamo dowladda Soomaaliya u diiwaan gashay, waxa kale uu dowladda ku eedeeyay Gaas inaysan dhex dhaxaad ka ahayn xaalada Gaalkacyo.
medium_MdhvlEzd
Puntlandpost.com
Puntlandpost.pp@gmail.com