Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa markii ugu horaysay sheegay inuu ka xun yahay dagaalka iyo xiisada ka tagan magalada Gaalkacyo .
Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay daqiiqad walba inuu ka war hayo dadaalada nabadda lagu raadinayo oo madaxda dowladda dhexe ugu raysa iyo mamullad gobaleedyada Gaalkacyo jooga wadaan, wuxuna sheegay inay nasiib daro tahay ayna ka xun yihiin in dagaal uu dhaco.
Dowladda dhexe ayuu sheegay inay Gaalkacyo la aaday afar qodob kuwaasoo labada dhinac ay ku qanceen laguna rajo wayn yihiin in heshiisku soo baxo.
Waddada uu dagaalku ka bilowdey ayuu sheegay in la dhisayo maadama ay dan u tahay shacabka Gaalkacyo degan, jidkaasi waxaa xaafada Garsoor ka dhisaya Puntland.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in maanta labada dhinac heshiis ku dhexmari doono garoonka diyaaradaha magalada Gaalkacyo, iyadoona heshiiskaasi goob joog ka noqon doonaaan RW,wakiilada beesha caalamka iyo madaxda mamuladda Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.