PUNTLAND POSTPuntland Post
Warka

TARSAN: Al-shabaab waa in loogu jawaabo mid la mid ah Dhibaatooyinka ay Geysanayaan

Share

Muqdisho (PP) ─ Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo la-taliye siyaasadeed u ah Madaxweynaha Somalia, ayaa ku taliyay in Tallaabo walba oo ay qaadaan Al-Shabaab looga jawaabo mid la mid ah ama ka xanuun badan, si ay shacabka Soomaaliyeed uga helaan nabad-galyo buuxda.

Mudane Tarsan oo war-fidiyeenka kula hadlay Muqdisho, ayaa ku tilmaamay   in dhibaatadii ka dhacday Hotel Nasa-hablood 2 ay ahayd mid xanuun badan reebtay, isla markaana timid xilli tododbaadyo ka hor Qarax dhibaato badan geystay uu ka dhacay isgoyska Zope, kaasoo ay ku geeriyoodeen in ku dhaw 360-qof.

“Hay’adaha Ammaanka Dowladda waxaa looga baahan yahay in magaalada ay ka saaraan xaasaska iyo carruurta saraakiisha Al-shabaab maadaama ay yihiin jaajuusiin,” ayuu yiri Tarsan oo ku taliyay inaan dhibaato loo geystay balse magaalada laga saaro.

Sidoo kale, Tarsan oo xubin ka ahaa Musharraxiintii Madaxweyne Farmaajo kula tartamay xilka, ayaa intaas ku daray in Al-shabaab sida kaliya ee looga  adkaan karto ay tahay in tallaabo kasta ay qaadaan laga daba-qaado, isla markaana maydadkooda la suro waddooyinka, si ay kuwa kale tusaale ugu noqoto.

“Kooxihii Weerarka ku qaaday Hotel Nasa-hablood Laba ee la qabtay waa in si deg-deg ah maxkamad loo saaro, lana dilo inta dadka ay dileen dhigoodu qoyan yahay, maydadkoodana la suro barxadda Shabelle,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Ugu dambeyn, Hadalka Tarsan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo ay aad sare ugu kacayso carada ay madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed xilliyadii u dambeeyay ay ka muujinayaan qaraxyada ay Al-shabaab ka geysanayso Muqdisho.

PUNTLAND POST

1 comment

  1. Waxaan ka qoray faalooyinkan iyo dhiirri galintan, sidii la’iskaga celin lahaa waxan aanan biniaadanka ahayn.

    CUDURKAAD QARSATO WAA KU QARSADAA
    Cudurada qaarkood qofkii ama xoolihii ay ku dhacaan waa la karantiilaa si aynan kuwa kale ugu faafin cudurkooda. SHABAAB waa ka sii khasaaro badan yihiin cudur la karantiilo. SHABAAB sida dhammaan Soomaalida inta wax garaneysa ogtahay ma yaqaannaan walaal, waalid, ehel, tol, qaraabo, maatto iyo saaxiib toona. Cudurada daawooyin baa la’isaga ciribtiraa, SHABAABNA waa in xabbad, waran, fallar iyo tooreey la’isaga ciribtiraa.

    Guryaha Xamar intooda badan, laba ama saddex qoys baa wada daggan. Xaafad walba dadka daggan, khaas ahaan dhalinyaradu waa is wada yaqaannaan, qofkii cusub oo ku soo saidana hadduu dhalinyara yahayna waxaa uu u calaamadsanyahay dhalinyarada, haddii xaas is watta yihiinna waxaa uu u calaamadsanyahay qofka guriga ka ijaaraya iyo reeraha daggan guryahaa qaar ka midah.

    Dadweynaha Soomaaliyeed ee qoriqaadka ah waa ka tira badanyahay SHABAAB. Nolosha aad maanta ku jirtaan dhimashaa dhaanta. Intaad habeen iyo malin hurddo iyo harsi waayi laheeydeen, SHABAAB hurdo iyo harsi u diida. Meel ay ku dhuuntaan iyo cid ay u soo martigalisa ha waayeen. Sidaas baa lagu ciribtiri karaa SHABAAB loogana bixi karaa nolol la’aantan.

    ————————————————————————————————————————-

    IT IS TIME FOR TIT FOR TAT
    Shabaab is the only terrorist organization in Somalia capable of exploding or has so far exploded destructive bumps in hotels, restaurants, universities, police or military camps and crowded markets. Shabaab is to be blamed for this massacre regardless of whether they proclaimed and boasted for the responsibility. If Shabaab hasn’t proclaim the responsibility for this massacre it is because they are afraid that this might alienate some of their moral followers, since the death toll was very high. 
    Mogadishu is the capital of Somalia and its residents are from all angle of Somalia. Since whoever died or was wounde in this massacre belonged to families from each and every part of Somalia, it is time that Somalis see Shabaab as to what they really are (Heinous, blood-thirsty psychopaths) who have nothing to do with Islamic religion and make them pay for their horrendous actions and more. 
    If each Somali who knows a Shabaab member makes him/her pay for his/her action (TIT FOR TAT), there will be less disturbance and more stability. Somalis should wake up and take their country and freedom from these brutal non law-abiding beings.

Leave a Reply