Muqdisho (PP) ─ Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo la-taliye siyaasadeed u ah Madaxweynaha Somalia, ayaa ku taliyay in Tallaabo walba oo ay qaadaan Al-Shabaab looga jawaabo mid la mid ah ama ka xanuun badan, si ay shacabka Soomaaliyeed uga helaan nabad-galyo buuxda.
Mudane Tarsan oo war-fidiyeenka kula hadlay Muqdisho, ayaa ku tilmaamay in dhibaatadii ka dhacday Hotel Nasa-hablood 2 ay ahayd mid xanuun badan reebtay, isla markaana timid xilli tododbaadyo ka hor Qarax dhibaato badan geystay uu ka dhacay isgoyska Zope, kaasoo ay ku geeriyoodeen in ku dhaw 360-qof.
“Hay’adaha Ammaanka Dowladda waxaa looga baahan yahay in magaalada ay ka saaraan xaasaska iyo carruurta saraakiisha Al-shabaab maadaama ay yihiin jaajuusiin,” ayuu yiri Tarsan oo ku taliyay inaan dhibaato loo geystay balse magaalada laga saaro.
Sidoo kale, Tarsan oo xubin ka ahaa Musharraxiintii Madaxweyne Farmaajo kula tartamay xilka, ayaa intaas ku daray in Al-shabaab sida kaliya ee looga adkaan karto ay tahay in tallaabo kasta ay qaadaan laga daba-qaado, isla markaana maydadkooda la suro waddooyinka, si ay kuwa kale tusaale ugu noqoto.
“Kooxihii Weerarka ku qaaday Hotel Nasa-hablood Laba ee la qabtay waa in si deg-deg ah maxkamad loo saaro, lana dilo inta dadka ay dileen dhigoodu qoyan yahay, maydadkoodana la suro barxadda Shabelle,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Ugu dambeyn, Hadalka Tarsan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo ay aad sare ugu kacayso carada ay madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed xilliyadii u dambeeyay ay ka muujinayaan qaraxyada ay Al-shabaab ka geysanayso Muqdisho.
PUNTLAND POST