Muqdisho (PP) ─ Kulan ay yeesheen Xiriirka Shaqaalaha Dowladda Somalia ayaa lagu soo bandhigay tirada shaqaalaha Dowladda ee ku geeriyooday isla markaana ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacday Muqdisho iyo kaaalinta ay ka qaateen Xiriirka Shaqaalaha Dowladda.
Kulanka ayaa lagu sheegay in shaqaalaha Dowadda Federaalka Somalia ee ku waayay naftooda Qaraxii Zoobe ay gaarayaan lix, halka ay ku 20 qof oo kalena ay kaga dhaawacmeen, sida ay sheegeen Xiriirka Shaqaalaha DFS.
Xoghayaha Xiriirka Maamul-goboleedyada ee Shaqaalaha Dowladda Somalia Maxamed Macallin Iimaan, ayaa tilmaamay kaalintii ay ka qaateen gurmadkii loo fidinayey dadkii waxyeelada ay soo gaartay dhacdadii Zope.
Sidoo kale, Guddoomiye Ku xiggeenka xiriirka guud ee Shaqaalaha DFS Nuur Axmed Diiriye oo ka hadlay kulanka, ayaa tacsi u diray dhamaan Shacabka Soomaaliyedd, isagoo ku dhaawacyada culus uu soo gaaray Alle uga baryey in Caafimaad deg-deg ah uu siiyo.
Guddoomiyaha Xiriirka guud ee Shaqaalaha Dowladda, C/risaaq Macallin oo isna ka hadlay goobta ayaa Faah-faahin ka bixiyey kaalintii ay ka qaateen gurmadka loo fidinaayey Shacabkii ku waxyeeloobay Musiibaddii ka dhacay Zope.
Ugu dambeyn, Qaraxii Sabtidii ka dhacay Isgoyska KM5 ee Zope ayaa waxaa la sheegayaa inay ku dhinteen ugu yaraan 300-qof, iyadoo ay dhaawacyadu caga-cageynayaan 450-qof, kuwaasoo qaarkood loo qaaday dibadda si loogu soo daweeyo.
PUNTLAND POST