Dowlada oo hakisay ilaa Amar dambe gaadiidka Xamuulka ee Dekedda ka shaqeeya

Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa hakisay ilaa amar dambe inay dibadda usoo baxaan gaadiidka xamuulka ee ka shaqeeya Dekadda Magaaladda Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaliya Maryan Aweys Jaamac ayaa soo saartay amar lagu hakinayo gaadiidka xamuulka ee ka shaqeeya Dekedda Muqdisho.

Waxa ay sheegtay madaama lagu mashquulsan yahay gurmadka lagu samata bixinayo dadkii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Sabtidii Isgoyska Zoobe, aysan macquul aheyn in gaadiidka waa weyn ay isticmaalaan wadooyinka Magaladda Muqdisho.

“Waxaa hakinay gaadiidka waa weyn ee Dekeda Magaaladda Muqdisho xamuulka ka qaaday, si aanay u dhicin mashquul ku yimaada waddooyinka, inta ay socdaan howlaha gurmadka”ayay tiri Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.

Sidoo kale waxaa socda qorshayaal lagu mamnuucayo gaadiidka xamuulka inay maalintii isticmaalaan waddooyinka Magaaladda Muqdisho sida ay sheegtay wasiirka.

Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa dhibaatooyin badan ku qaba Gaadiidka Xamuulka qaada ee kasoo baxa Dekadda xiliyadda ay dhibaatooyinka ay dhacaan.

PUNTLAND POST