Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheekh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa si cad u sheegay in dowladihii xiriirka u jaray Dowladda Qatar in ay ka aargoosanayaan Soomaliya kadib qaraxii lagu dhamaaday ee ka dhacay magaalada Muqdisho.
Wasiirka oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Wargeyska Al-Sharq ee laga leeyahay dalka Qatar ayuu ku sheegay Soomaaliya in ay ka aargoosanayaan dowladaha Qatar go’doomiyay sababo ku aaddan in ay ka biyo diidday inay u dheg raariciso go’aankooda.
Waxa uu sheegay in dowladahaasi ay wada laalleen kaalmooyinkii aaddannimo ee ay ugu yabooheen Soomaaliya, isagoo xusay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida la wada laaluushay, waxaase uu qiray in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay weli ku adkaysanayso mowqifkeeda.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya laba cisho kadib markii Muqdisho ay ruxeen qaraxii ugu khasaaraha badnaa oo loo adeegsaday gaari xamuul ah uu ka dhacay Isgoyska Zope, KM5 , Degmada Wadajir ee Muqdisho, kaasi oo sababay geerida 276 ruux.
Dowladda Soomaliya ayaa go’aan dhex-dhaxaadnimo ah ka qaadatay khilaafka Wadamada Khaliijka carabta, waxayna cadaadis ay kala kulantay Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta oo doonayay in ay xiriirka u jarto Dowladda Qatar.
Illaa iyo hadda ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda weerarka qarax ee Zope oo lagu sheegay kii ugu khasaaraha badnaa ee Soomaaliya ka dhaca abid.
PUNTLAND POST