Xalay ilaa iyo saaka waxaa ka socdo halkii qaraxa uu ka dhacay iyo goobaha ka ag dhow gurmadyo loo sameeynayo dadkii qaraxaasi ku waxyeeloobay.
Dabaqyadii ku dumay halka qaraxa uu ka dhacay iyo goobaha ku hareereeysan ayaa waxaa ku hoos jira dad qaraxyadaasi ku waxyeeloobay.
In ku dhow 10 Ruux oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa saaka laga soo bixiyay goobta ay mashaqada ka dhacday.
Gawaarida wiishashka iyo kuwa qaada dhagxaanta culus ayaa wali dhismayaasha dumay ka raadinaya dad ku hoos jiro Dhismayaasha dumay.
Ugu yaraan 20 qof meydkooda ayaa saaka laga soo saaray dhismayaasha ka agdhow Isgoyska Zoobbe ee Magaalada Muqdisho halkaas oo shalay uu ka qaraxay gaari xamuul siday.
Dadka qaraxa ku geeriyooday waxaa kamid ah 4 Wiil oo walaalo ahaa oo carwo ku lahaa meel aan sidaasi uga fogeyn goobta qaraxa uu ka dhacay.
Gabar ka qalin jebisay kuliyadda Caafimaadka oo ay 6 Sano baraneysay islamarkaana aabbaheed uu dibadda uga yimid sidii uu maanta uga qeyb geli lahaa qalin jebinta Gabadhiisa ayaa duugtiisa maanta Muqdisho uga qeeybgalaya.
Sidoo kale waxaa ku jira Wiil ka yimid Dalka Mareykanka oo 4 saacadood oo kaliya joogay Magaaladda Muqdisho,kaas oo Hotelkii uu degganaa Qaraxa haleelay.
Tirada Dhimashada qaraxaasi ilaa iyo hadda si rasmi ah looma sheegi karo waxaana sii kordhaya marba marka ka dambeeysa dadka qaraxaasi ku geeriyooday.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho