Faah Faahino Dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan30 Ruux waxaana ku dhaawacmay tiro intaasi ka badan oo dhamaantood ahaa dad rayid ah.
Isbitaalada Muqdisho ayaa waxa ay caawa la ciir ciirayaan Dhaawacyo farabadan oo ah dad rayid ah oo ku dhaawacmay Qaraxaasi.
Agaasimaha Isbitaalka Daaru Shifaa Dr Maxamed Cabaas ayaa u sheegay Warbaahinta Goordhow oo Caawa ah in dad badan la geeyay Isbitaalkooda kuwana ay geeriyoodeen.
Isbitaalka Madiina ayaa sidoo kale la geeyay dad aad u badan oo dhaawac.
Hoos ka Dhageyso Warbixin Wariyaha PP Muqdisho uu qaraxa ka diyaariyay.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho