Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan 30-qof ayaa dhintay in ka badan 70-ruux oo kale dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray, kaddib qarax culus oo maanta ka dhacay isgoyska Zoope ee Muqdisho, iyadoo xilliga uu qaraxan dhacayay ay goobtaasu ahayd mid mashquul badan.
Saraakiisha ciidamada Ammaanka Somaila ayaa sheegay in qaraxaan oo aan horay noociisu uga dhicin Muqdisho loo adeegsaday gaari waxyaabaha Qarxa lagas oo buuxiyay, kaasoo ahaa noociis ahaa kuwa xamuulka.
“Markii uu qaraxu dhacayay isgoysku wuxuu ahaa mid jaam ah, gaadiid aad u fara badan ayaana isku hor-gudbanaa, qaraxuna wuxuu ahaa mid weyn oo aanan horay uga dhicin Muqdisho,” ayuu yiri goobjooge la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta gudaha iyo tan dibadda.
Sidoo kale, Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in goobta uu qaraxan ka dhacay ay ahayd mid aad u mashquul badan, isla markaana ay ku yaalleen ganacsiyo ay ka mid yihiin; dukaamo, hoteel, maqaayado, goobo lagu iibiyo jaadka iyo weliba shidaalka.
Isbitaallada Madiina iyo Digfeer oo ka mid ah kuwa ugu waa-weyn Muqdisho ayaa waxaa la geeyay dhaawacyo kala duwan oo isugu jira kuwo gubtay iyo kuwo firir uu sababay, waxaana ku jiray dad dhaawacyadooda soo gaaray ay halis yihiin.
Dhanka kale, Ciidamada Amniga Dowladda Somalia ayaa sheegay in maanta ay sidoo kale gacanta ku dhigeen gaari kale oo miino ay ka buuxday, iyadoo markii darawalkii gaariga lagu amaray inuu gaariga kasoo dago uu mar qura gaariga qarxay.
Qaraxan khasaaraha badan geystay ee Muqdisho ka dhacay maanta ayaa ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Dowladda Somalia ay ka baxeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellada Hoose, ayna la wareegtay Al-shabaab.
Ugu dambeyn, Ma jirto illaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda Qaraxaan oo ahaa mid culus, waxaase qaraxyadan noocan oo kale ah ee Muqdisho ka dhaca sheegan jirtay Al-shabaab oo dagaal kula jirta Dowladda Somalia iyo Ciidamad AMISOM.



PUNTLAND POST