
Muqdisho (PP) ─ Qarax noociisa aan dhawaanahan la maqal ayaa goor-dhaw ka dhacay inta u dhexeysa isgoysyada Banaadir yo Zoboe ee Muqdisho, iyadoo qaraxan uu geystay waxyeello xoog badan.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Qaraxan loo adeegsaday baabuur noociis yahay xamuulka oo laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa, iyadoo goobta uu ka dhacay ay ahayd goob mashquul badan.
Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen maydadka dad dhulka daadsan iyo dhaawacyo fara badan, waxaana qaraxan uu noqonayaa midkii ugu xoogga badnaa ee sannadahan ka dhaca Muqdisho.
Daawo Uurradda iyo Qiiqa Qaraxa ka dhacay Muqdisho
Wixii kasoo kordha qaraxan iyo khasaaraha uu geysto waxaad kula socon doontaan wararkeenna soo socda haddii ALLE ogolaado.
PUNTLAND POST