
Nairobi (PP) ─ Maxkamadda Sare ee Dalka Kenya ayaa amartay in gabi ahaan Musharraxiintii ka qaybqaatay Doorashadii Madaxweynenimo ee 08-dii Agoosto k dhacday Kenya ay hadda u istaagi karaan Doorashada ku celiska ah ee Bishan Dhammaadkeeda loo ballansan yahay inay ka dhacdo Kenya.
Amarkan ayaa sababaya in doorashada ay ka qayb-geli karaan Murashaxiin dhawr ah oo uu ka mid yahay Ekuru Aukot, waxaana amarkan uu meesha ka saraayaa go’aankii hore ee ahaa inay tartami karaan oo keliya Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Hoggaamiyaha Mucaaradka dalkaas Raila Odinga oo ka biyo diidsan doorashada bishan dhacaysa.
Sidoo kale, Bishii lasoo dhaafay ayay maxkamadda ugu sarraysa Kenya ku tilmaantay waxba kama jiraan Doorashadii bishii Agoosto dhacay, iyadoo ku sababaysay inay dhaceen wax is-dabomarinno dhanka doorashada ah.
Guddiga Doorashooyinka Kenya, ayaa markaas go’aansaday in ay mar kale tartamaan labadii ugu cod badnaa oo kala ah Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga oo Madaxa u ah xisbiga mucaaradka ugu wayn.
Balse, Aukot ayaa Maxkamadda Sare aaday isagoo ku dooday in go’aankaas uusan caddaalad ahayn oo ay ahayd in tartanka loo wada ogolaado dhamaan murashaxiintii tartamay bishii Agoosto. Laakiinse Ma cada wuxuu go’aankan uga dhigan yahay Doorashada loo ballansan yahay 26 bishan marka la fiiriyo in Raila uu isaga haray tartanka Talaadadii.
Dhanka kale, Qareen la haya Xisbiga Madaxweyne Kenyatta ee Jubilee ayaa xusay in ogolaanshaha musharaxiinta kale ay ka dhigan tahay in doorashadu ay u dhici doonto sidii loo Qorsheeyay, ka haritaanka Raila Odinga-na aysan wax ahmiyad ah lahayn.
Ugu dambeyn, Qareen kale oo la haya xisbiga Nasa ee mucaaradka ah ayaa isna sheegay in murashax Aukot oo doonaya sida Raila in la gilgilo gudiga doorashada in isna la filayo inuu ka hari doono doorashada 26-ka Oktoobar.
PUNTLAND POST