Muqdisho (PP) ─ Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somalia ayaa warqad jawaab ahayd u qoray madaxweynaha Maamulka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf], Taasoo Dajiraha QM ee Soomaaliya uu uga Hadlay habka loo marayo Xallinta Xiisadda Siyaasadeed ee ka taagan Magaalada Cadaado ee u dhexeeysa Mas’uuliyiinta Maamulkaas.
Danjire Michael Keating ayaa warqaddiisan ku billaabay. “Waad ku mahad-santahay Warqaddii ku aad ii soo dirtay 30-kii September 2017-ka ee aad ku xustay warbixintii ugu dambeeyay ee xiisadda ka taagnaa Galmudug.”
Ergayga ayaa Wuxuu qoraalkiisa ku xusay inay ku boorinayaaan dhammaan dhinacyadda Galmudug inay isugu yimaadaan wada-hadal wax dhisa.
“Si dhaw ayaan ula soconay waxa dhacaya Cadaado, Waxaana si adag ugu dhiirri-gelinaynaaa dhamaan dhinacyada Galmudug in ay galaan wadahadal wax dhisa, taasoo xasillooni iyo nabad u keeni karta Galmudug,” ayuu ku yiri qoraalkiisa danjire Keating.
Danjiraha QM ee Somalia ayaa qoraalkiisa ku sheegay in wada-halku keeni karo in la xalliyo Arrimaha soo baxaya lana abuuro xiriir adag oo maamul-goboleedyada iyo dowladda dhexe u suuro-gelinaya inay si wadajir ah u shaqeeyaan si loo horumariyo xaaladda siyaasadeed, bani’aadamnimo iyo dhaqaale ee Soomaaliya.
“Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamku waxay fariintaan gaarsiinayaan Dowladda Federaalka Somalia, Adkeeynta xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka ah iyo Maamul-goboleedyada waa ahmiyadda ugu sarreysa isla markaana ugu muhiimsan daallada dowlad-dhisidda ee Somalia,” ayuu ku yiri Michael Keating qoraalkiisa.
Ugu dambeyn, Dowladda Dhexe ee Somalia ayaa sheegtay in QM aysan la geli karin faraha xallilnta khilaafka ka taagan Galmudug, iyadoo Ra’iisul wasaaraha Somalia uu sheegay in mas’uuliyiinta Galmudug looga baahan yahay inay iyagu xalliyaan khilaafkooda.
PUNTLAND POST