Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashalay dagaal ka dhacay Xarunta Jubbaland ee Kismaayo

Kismaayo (PP) ─ Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubblanad ayaa wararka ka imaanaya waxay sheegayaan  in Magaalada baneenkeeda uu ka dhacay iska hor-imaad.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay markii ay isku dhaceen ciidamo u abaabulan hab-beeleed oo ku muransanaa dhulka sida wararka laga helayo ay sheegayaan.

Goobjogayaal ku sugan Kismaayo aya sheegay in iska-hor-imaadkaan ay ku geeriyoodeen laba Askari, halka dhaawaca la sheegay inuu gaarayo ilaa shan Askari oo kale.

Sidoo kale, Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamadaas ay sheegayaan in ciidamadaas ay tirsanaayeen kuwa maamulka Jubbaland, halka ay wararka qaarkood sheegayaan inay ahaayeen maleeshiyaad aan ciidanka maamulka Jubbaland ka tirsanayn.

Iska-horimaadkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Magaalada Kismaayo ay ka socoto dadaallo loogu jiro shirka madaxda maamul-goboleedyada ay halkaa ku yeelanayaan, iyadoo cidiamadii is-rasaaseeyay la kala dhex-galay.

Ugu dmabeyn, Kismaayo waxaa maanta gaaray Wafdiyo sare ah oo ay kala hoggaaminayeen Madaxda Maamul Goboleedyada Galmudug, Hir-shabelle, Puntland iyo Koonfur-galbeed oo horey halkaas ugu sugneyd.

PUNTLAND POST