Ciidamada Kenya oo Isaga Baxaya Magaaladda Kismaayo

Wararka ka imaanaya Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubba-land ayaa ku waramaya in Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Afrika AMISOM ay bilaabeen dhaqdhaqaaq ay ugu guurayaan magaaladaas.

Xalay waxaa Dekadda Kismaayo ku xirtay Markab Ciidanka Kenya ay leeyihiin oo halkaas ka qaaday Taangiyo iyo hubka culus ee Kenya ka yaalla Magaaladda Kismaayo sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulka Jubba-land.

Isla saakay waxa Dekadda magaaladda Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose taagan Markab kale oo isna qaadaya Hubka iyo Gaadiidka dagaalka ee Kenya ka yaalla Magaaladda Kismaayo.

Dhowrkii maalin aynu soo dhaafnay Ciidamada Dowladda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya ayaa waday dhaqdhaqaaq Ciidan oo loo fasirtay in ay ka baxayaan magaaladda Kismaayo.

Sida qorshuhu uu yahay waxaa lagu wadaa in ciidamada Kenya  ay badalaan ciidamo ka socdo Dowlada Burundi oo qeeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

PUNTLAND POST