Maamul-goboleedyada oo Qaadacay ka Qayb-galka Shirka Qaran ee dib u eegida Dastuurka

Muqdisho (PP) ─ Maamul-goboleedyada dalka ka jira ayaa diiday ka qayb-galka Shirka Qaran ee dib u eegista Dastuurka dalka, kaasoo lagu wado inuu maalinta berri ah ka furmo Muqdisho.

Maamullada Puntland, Hirshabeelle, Koofur-galbeed, Galmudug iyo Jubbaland ayaa diiday inay ka qayb-galaan shirweynahaas Qaran, iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambeysa.

Wararka Qaar ayaa sheegaya in maamul-goboleedyada ay qaateen go’aano isku mid ah, inaysan ka qeyb galin shirka oo diyaar garowgiisa maalmahan laga dareemayay Muqdisho.

Wasiirka Dastuurka Soomaaliya, C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in shirweynaha Qaran ee Dastuurka uu furmi doono 08-da bishan oo ku beegan Axadda Berri ah.

Sidoo kale, Arrintan ayaa waxay sare u qaadeysa khilaafka ka dhex-oogan Dowladda Somalia iyo maamul-goboleedyada oo hada galaya waji cusub.

Dhanka kale, waxaa jira shir madaxda maamul goboleedyada dalka ay ku yeelanayaan magaalada Kismaayo, kaasoo ay ka maqan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya, ayaa Muddooyinkii u dambeeyay kulamo wadatashi ah oo ay uga hadleyso arrimaha dib u eegista Dastuurka dalka.

PUNTLAND POST