Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadda oo ku Wajahan Magaaladda Kismaayo

Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubba-land waxaa Maalinta bari ah ka furmaya Shirka u dhaxeeya Madaxda maamul Goboleedyadda iyo xubno kamid ah Dowladda Soomaliya kaasi oo lagu balansaaa in uu furmo Arbacadii aynu soo dhaafnay.

Shalay waxaa Magaaladda Kismaayo gaaray wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha Maamulka koonfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan Shiikh aadan, waxaan halkaas kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Jubba-land Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Kismaayo waxaa maanta lagu wadaa in ay gaaraan  Madaxweyneyaasha Maamul Gobolleedyada kala ah Puntland,Galmudug iyo Hirshabelle kuwaasi oo maanta laga sugayo Magaaladaas.

Shirka Magaaladda Kismaayo oo Jubbaland ay martigalinayso ayaa ah mid loogu hadlaayo khilaafka ka dhashay Go’aankii laga qaatay Khilaafka Wadamada Khaliijka Carabta  oo Maamul goboleedyadda iyo Dowladda Dhexe ku kala arakti duwan yihiin.

PUNTLAND POST