Nairobi (PP) ─ Safiirkii Dalka Maraykanka u joogay Somalia, Stephen Schwartz ayaa shaqadii ka tagay sida ay xaqiijisay Safaaradda Mareykanka ee Somalia oo ku taalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Qoraallo kooban oo lasoo dhigay baraha Twitter-ka Safaaradda, ayaa lagu sheegay nuu is-casilay Schwartz, waxaana is casilaadiisa lagu sababeeyay sababo shaqsiyeed.
Safaarada Maraykanka ee Kenya ayaa xaqiijisay is-casilaada safiirka Dalka Maraykanka ee Somalia. Safaarada Maraykanka ee dalka Soomaaliya ayaa waxay si gaar ah uga caawisaa Dowladda Soomaaliya dhismaha ciidanka iyo maal-gelinta dhismaha dowlad goboleedyada dalka.
Dhanka kale, I-scasilaadda Danjiraha Maraykanka ee Somalia ayaa kusoo beegantay xilli khilaaf uu ka dhex-taagan yahay Dowladda Fedeaalka ah iyo Maamul-goboleedyada Dalka qaarkood, Laakiinse lama oga inay saameyn ku leedahay is casilaadiisa.
Ugu dambeyn, Danjire Schwartz ayaa loo dhaariyay xilkaan bartamihii 2016-kii, waxaana haatan si KMG ah u hayn doona xilkiisa ku xigeenkiisa, iyadoo ay tani imaanayso xilli Somalia ay ku jirto dalal muwaadiniintooda loo diiday inay galaan Mareykanka.
PUNTLAND POST