Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha Jubbaland. Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir Gudoomiyay kulanka khamiislaha ah ee Golaha Wasirrada oo ka sheegay in shirka Kismaayo ee maamul-goboleedyada Somalia uu Kismaayo ka furmi doono Axadda soo socota.
Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, labada Madaxweyne ku xigeen, iyadoo Madaxweynuhu uu ka dhageystay golaha halka ay marayso siyaasada dalka iyo marxaladahii ugu dambeeyay, wuxuuna sidoo kale warbixin ka siiyay sida uu u socdo dadaalka loogu jiro qabsoomida shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada ee lagu dhamaynayo khilaafka ka dhex curtay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Dowlada Dhexe ee Federaalka ah.
“Shirkan wuxuu muhiim u yahay Soomaaliya waxaan go’aan sanay intii ajinabi uu dhexdeena soo gali lahaa in anagu Soomaali ahaan aan arimaheena xalisano oo aan wax walba oo jira wada hadal ku dhamayno” ayuu yiri Madaxweynahu.
Sidoo kale, Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in Soomaaliya ay joogto wado labo dhinac u kala baxaysa oo ah hormar Barwaaqo iyo amaan iyo wadada kale oo ah burbur kala tag iyo in rajadii Mustaqbalku ay god ku dhacdo.
“Marka si labadaas wado mida saxda ah aan u qaadano ayaan gogoshan u dhignay oo aan doonaynaa in arimaheena aan gudaha ku xalino oo aan mar danbe iska daba hadal iyo is qabqabsi aanu iman” ayuu yiri Madaxweynahu.

Gudiga qaban qaabada shirkan ayuu golahu ka dhagaystay halka ay marayso qaban qaabada soo dhawaynta masuuliyiinta shirkan ka qayb galaya.
Dhinaca kale, Golahu wuxuu ka dooday oo dib loo dhigay kulamada danbe Siyaasada lagu maaraynayo Barakacayaasha iyo dadka kasoo laabanaya xeryaha Qoxootiga Dhadhaab.
Wasiirka Amniga Mudane Cabdirashiid Janan ayuu golahu ka dhagaystay xaalada amaan ee Jubbaland deeganadeeda xorta ah gaar ahaan dhacdoyinkii u danbeeyay ee ka dhacay gobolka Gedo.
Ugu dambeyn, Wasiirku wuxuu sheegay in dadka deegaanku ay diyaar u yihiin in qaybtooda ay ka qaatan dagaalka Argagixisada Jubbaland lagaga saarayo isla markana ay sugayaan oo kaliyah in hawlgaladu ay bilawdaan oo cadawga la baacsado.

PUNTLAND POST