Muqdisho (PP) ─ Magaalada Cadaado ee xarunta Galmudug waxaa gaaray taliyaha ciidamada Midowga Afrika ee Somalia, Jen. Cismaan Nuur Subagle, iyadoo ay wehlinayaan saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM.
Jen. Cismaan Nuur Subagle, ayaa halkaas kulammo kala duwn kula qaatay madaxda maamulka Galmudug, waxa uuna ujeedka socdaalkiisa ku sheegay xaqiijinta amniga magaalada Cadaado.
Taliyaha ayaa mas’uuliyiinta Galmudug ee Siyaasadda ku kala qaybsamay ugu baaqay inay si hoose u xaliyan khilaafka u dhexeeya , lagana wada-shaqeeyo ammaanka iyo xasilloonida deegaannada ay maamulaan.
Sidoo kale, Jen. Subagle wuxuu madaxda maamulka Galmudug u sheegay in ay AMISOM la wareegeyso Amaanka Garoonka Cadaado si aan halkaas looga xanibin diyaaradaha, isla markaana hakat u galin shaqooyinka ka socda.
Jen. Cismaan Subalge ayaa mas’uuliyiinta uu la kulmay u soo jeediyay in magaalada Cadaado la geeyo ciidammo AMISOM si ay ula wareegan amniga goobaha muhiimka ah iyo sidoo kale kan mas’uuliiinta maamulka.
Dhanka kale, Taliyaha AMISOM ayaa tilmaamay si loo adkeeyo ammaanka muddada uu jiro Khilaafka ay Cadaado geyn doonaan ciidammo si gaara u ilaaliya ammaanka Garoonka iyo kan magaalada Cadaado.
Jen. Cismaan Nuur Subagle ayaa xusay inay amar ka haystaan Dowladda FS oo ku aadan inay la wareegan Ammaanka Garoonka Cadaado, diyaarna ay u yihiin inay la wareegan amniga Garoonka iyo kan magaalada Cadaado, gaar ahaan kan madaxda.
Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in Ciidamada AMISOM ay fulinayaan Amar kaga yimid Dowladda Federaalka, sidoo kalena ay fududayn doonaan deeqda beesha caalamka ugu tala-gashay shacabka Galmudug.
PUNTLAND POST