Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa Shirka Khamiis la ahaa oo goordhow ay Muqdisho ku yeesheen Xilkii waxa ay uga qaadeen Xisaabiyihii Dowlada Soomaaliya Mudane Siraaji.
Shirkan oo uu shir gudoominayay Ra’isilwasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre ayaa Xilka looga qaaday Xisaabiyihii guud ee dowlada Soomaaliya.
Xilka Xisaabiyaha ayaa Golaha wasiirada Xukuumada Soomaaliya waxa ay u dhiibeen Haweeney lagu magacaabo Faadumo Cismaan Faaarax.
Xukuumada Soomaaliya ayaa waday baryihii ugu dambeeysay isbadalo balaaran oo ay ku sameeyneeyso laamaha kala duwan ee dowlada iyo masuuliyiinteeda.
Faah Faahin intaan ka badan dib ugala soco Insha allah
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho