Maamulka Koofur Galbeed ayaa ka digay qorshe ay sheegeen in lagu lagu bur-buriyo nidaamka Federaalka ee Soomaaliya.
Madaxweyne maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Warbaahinta kula hadlayay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in hadii uu bur-buro nidaamka Federaalka ay Dowlada Somaaaliya iyana bur-bureyso, hadii Dowladu ay burburtana uu Maamulka Koofur Galbeed meesha ka baxayo.
Madaxweynaha oo sii hadlaya ayaa sheegay iney koofur Galbeed ku dhagnaan doonto nidaamka Federaalka ayna ka hortagi doonaan shaqsiyaadka wada qorshaha Ka dhanka ah hanaanka Federaalka.
Dowlada Soomaaliya ayaa baryihii ugu dambeeysay lagu eedeeynayay in ay wado qorshayaal ay ku bur-buruneeyso Madaxda Maamul Goboleedyada dalka kuwaasi oo ka soo horjeedo danaha dowlada.
Hoos ka Dhageyso Codka.
PUNTLAND POST