133 Ruux oo lagu dilay duqeymo Cirka ah oo ka dhacay Suuriya

Faah-faahino dheeri ah ayaa laga helayaa duqeymo diyaaradeed oo ka kala dhacay magaalooyinka Raqa iyo Deer Al-Soor ee Dalka Suuriya.

Duqeymahan oo ay geysanayeen diyaaradaha dagaalka Xulafada uu Mareykanka hogaaminaayo ayaa la sheegay iney inta badan gantaalo ku garaacayeen guryo iyo fariisimo ku yaala magaalada Deer Al-soor ee dalka Suuriya.

Talefishinka AL-jazeera kheybtiisa Carabiga ayaa sheegtay gantaaladii lagu tuurayay magaalada Deer Al-soor iney ku naf waayeen ku dhawaad 120 ruux oo u badan dad shacab ah.

Halka magaalada Raqa iyana duqeynta Ka dhacday ay ku geeriyoodeen ilaa iyo 13 ruux oo u badan Rayid.

PUNTLAND POST