Dowladda Federaalka oo diyaaradaha ka joojisay garoonka Buuhoodle

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa joojisey duullimaadyadii diyaaradaha ee magaalada Buuhoodle, iyada oo sababta ku sheegtay badqabka duullimaadyada.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya (SCAA) ayaa shirkadaha diyaaradaha ku wargelisay in laga bilaabo 16-ka Nofeembar 2026 la joojiyay dhammaan duulimaadyadii garoonka Buuhoodle ilaa amar dambe.

Garoonka diyaaraha Buuhoodle ayaa waxaa saameeyay roobab dhawaan ka da’ay degmadaas, kuwaas oo waxyeello gaarsiiyay dhabaha diyaaraduhu ku dagaan.

PUNTLAND POST