Maxaa baajiyay shirkii ay ahayd in uu maanta ka dhaco Muqdisho?

Mucaaradka ayaa diiday ka qaybgalka shirkii wadahadalka ee dhawaan dhigay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo muddaysnaa maanta oo ku beegan 14-ka bisha Noofambar 2026.

Mucaaradka ayaa doonaya in khilaafka arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ay garwadeen ka noqdaan Beesha Caalamka, gaar ahaan Maraykanka, Ingiriiska iyo Turkiga.

Safiirka cusub ee Turkiga u fadhiya Muqdisho, Ferhat Alkan ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo gooni gooni ah la yeeshay madaxweynayaashii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Khayre, isaga oo sheegay in uu kala hadlay doorashooyinka lagu muransan yahay iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay in aysan niyad ka ahayn gogosha uu ku dhawaaqay iyo in heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maalmahan ku maqnaa dalka Turkiga ayaa lagu wadaa in uu maanta dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho, xilli uusan qabsoomayn shirkii uu dhigay.

PUNTLAND POST