Dhawaaqii Ugaaska Xawaadle oo saameeyay ciidanka xoogga dalka

Kumanaan askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa afartii maalmood ee u dambeeyay soo gaaray guriga Ugaaska beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ee magaalada Beledweyne.

Ciidankan oo ka soo baxay furimaha iyo goobaha ay ku sugan yihiin ciidanka xoogga dalka ayaa ajiibay farriintii saqda dhexe ee Ugaaskooda, taas oo ahayd in askarta beesha Xawaadle ee ku jira ciidanka xoogga dalka ay yimaadaan magaalada Beledweyne, si ay ula dareen noqdaan shacabka reer Hiiraan.

Sidoo kale farriintii Ugaaska waxay sameysay maamulka Hirshabeelle, kaddib markii uu habeen hore is casilay guddoomiyihii gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye.

Kacdoonka reer Hiiraan wuxuu ka dhashay qaabkii ay dowladda federaalka ku xulatay Cali Guudlaawe iyo awood qaybsi maamulka Hirshabeelle ee labada gobol.

Doorashooyinkii ay dowladda federaalka ka qabatay maamullada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa horseeday qalalaase amni iyo kala qaybsanaan ka jirta deegaannadaas.

PUNTLAND POST