
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo wareegto soo saaray ayaa guddoomiyeyaal u magacaabay degmooyinka Ceel-buh iyo Baraagaha-qol ee gobollada Sanaag & Haylaan.
Cabdisalaan Qaalib Dalmar Ciise ayaa loo magacaabay guddoomiyaha degmada Baraagaha-qol ee gobolka Haylaan, halka guddoomiye ku xigeenka degmadaas loo magacaabay Ceegaag Maxamed Yuusuf.
Sidoo kale waxaa Maxamed Axmed Cali loo magacaabay guddoomiyaha degmada Ceel-buh ee gobolka Sanaag, halka ku xigeenka laga dhigay Cali Faarax Ismaaciil.
Madaxweyne Deni ayaa magaabistan sameeyay, kaddib talo-soo-jeedin ka timid wasaaradda arrimaha gudaha Puntland, sida lagu sheegay wareegtada.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bishii Sebteembar ee sanadkii hore 2025, xeer madaxweyne ku dhisay laba degmo ee Ceel-buh iyo Baraagaha-qol.
PUNTLAND POST