Alkan oo kulan la qaatay Farmaajo

Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho, Ferhat Alkan ayaa kulan la qaatay madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo kala hadlay xaaladda dalka Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay guriga uu Farmaajo ka degan yahay Muqdisho waxaa la sheegay looga hadlay doorashooyinka ee lagu muransan yahay iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka.

“Kulanka ayaa fursad u noqday in lagaga wada hadlo xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo sidoo kale in la isweydaarsado aragtiyo ku saabsan arrimaha gobolka & kuwa caalamiga ah ee saameynta ku leh juqraafiga siyaasadda guud” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

Alkan oo dhawaan la soo magacaabay waxaa la sheegay in uu la yimid siyaasad ka baddelan tii safiirkii hore oo mucaaradka ku eedeyn jireen dhexdhexaad la’aan iyo taageero madaxweyne Xasan Sheekh.

Safiirka Turkiga waxaa la sheegay in uu diiday ka qaybgalka caleemo-saarkii Liibaan Shuluq iyo Cali Guudlaawe oo doorashooyinkii ay ku soo baxeen ay qaadaceen Golaha Mustaqbalka ee ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta ee Muqdisho.

PUNTLAND POST