
Wasaarada Arrimaha Gudaha Puntland ayaa ka hor timid xilka qaadis ay todobaadkii hore golaha deegaanka degmada Banderbayla ku sameeyeen guddoomiyaha iyo ku xigeenka degmadaas Cabdirashiid Yuusuf Cali Jaamac iyo Abshir Aw Faarax Maxamed.
Warqad ka soo baxday wasiir Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa lagu sheegay in wasaarada arrimaha gudaha Puntland aysan aqoonsanayn, sharcina ahayn go’aanka ay soo saaareen golaha deegaanka degmada Banderbayla ee gobolka Karkaar.
Wasaaradda ayaa sababta ay u diiday xilka qaadista ku sheegtay in ka hor la ansixiyay habraaca shaqo ee kalfadhiga golaha deegaanka degmada Banderbayla.
20 xildhibaano oo ka tirsan golaha deegaanka degmadaas ayaa maalmo ka hor sheegay in ay xilka ka qaadeen guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa, iyaga oo intaas ku daray in uu xilka si kumeelgaar ah u sii hayn doono qofka ugu da’ weyn golaha.


PUNTLAND POST