Caasimadda Hirshabeelle oo loo wareejinayo Beledweyne

Maamulka Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay in caasimadda maamulka oo markii hore ahayd magaalada Jowhar hadda loo wareejinayo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Hoggaamiye ku xigeenka maamulkaas Cabdafataax Xasan Afrax oo maanta hadal ka jeediyay Beledweyne ayaa sheegay in go’aanka wareejinta caasimadda uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud saacadaha soo socda kaga dhawaaqayo magaalada Jowhar oo ka socota munaasabad lagu caleemo-saarayo hoggaanka Hirshabeelle.

“Caasimadda Hirshabeelle in ay noqoto gobolka Hiiraan ayaa maanta looga dhawaaqi doonaa xafladda caleema-saarka ee Jowhar, waxaana ku dhawaaqi doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud” ayuu yiri Cabdifitaax Afrax.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa go’aankan uga dan leh dejinta xiisadda ka taagan magaalada Beledweyne oo ka dhalatay awood qaybsi maamulka Hirshabeelle ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

PUNTLAND POST