Ugaaska Xawaadle: Hiiraan waxaa duulaan ku soo ah reer magac dowlaleed sheegta

Ugaaska beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ayaa sheegay in reer wata shaati dowladeed ay duulaan ku soo yihiin shacabka reer Hiiraan.

Ugaaska Yuusuf wuxuu ugu baaqay shacabka reer Hiiraan in ay difaacdaan sharafkooda iyo jiritaankooda, islamarkaana ay si degdeg ah isugu yimaadaan magaalada Beledweyne.

Ugaaska wuxuu ugu baaqay askarka ka tirsan beesha Xawaadle ee ku jirta ciidanka xoogga dalka in ay soo garab istaagaan shacabkooda, isaga oo xusay in dowladda hadda jirta ee hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu waqtigeedii dhammaaday.

Hadalka Ugaaska ayaa yimid, xilli magaalada Beledweyne laga dareemayo xaalad kacsanaan ah iyo xiisad u dhaxaysa dadka reer Hiiraan iyo dowladda federaalka.

Xaaladda Beledweyne waxaa uga sii daray, markii ay magaalada yimaadeen Cabdullaahi Sanbaloolshe iyo hoggaamiyo ku xigeenka Hirshabeelle Cabdifataax Afrax, kuwaas oo ka soo kala kicitimay Itoobiya iyo Muqdisho.

Doorashooyinkii ay dowladda federaalka ka qabatay maamullada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa horseeday qalalaase amni iyo kala qaybsanaan ka jirta deegaannadaas.

PUNTLAND POST