Puntland: Maleeshiyo beeleed la wareegtay suuq ku yaalla Gaalkacyo

Maleeshiyo beeleed hubaysan ayaa saaka la wareegay suuqa iskaashatada ee magaalada Gaalkacyo, kaas oo ay maamuli jirtay dowladda hoose ee degmada.

Maleeshiyada ayaa ku andacoonaya in dhulka uu ku yaallo suuqa uu yahay mid ay iyagu hore gacanta ugu hayeen, islamarkaana ay u xukuntay maxkamad.

Suuqa iskaashatada Gaalkacyo oo ku yaalla dhabarka dambe ee bangigii hore waxaa goobo ganacsi oo inta badan lagu iibiyo khudaarta iyo hilibka ku leh qaar ka mid ah haweenka ku nool labada dhinac ee magaalada (Puntland iyo Galmudug).

La wareegidda suuqa ayaa walaac ku abuurtay ganacsatada, maadaama uu ahaa goob ay si wadajir ah ugu ganacsan jireen dadweynaha labada maamul.

Qabsashada suuqan waxay ku soo aadaysaa, iyada oo dhawaan Puntland sheegtay in ay tirakoobtay dhulka bannaan iyo dhismayaasha dowladda ee ku yaalla magaalada Gaalkacyo.

Tan iyo markii ay dhacday dowladda dhexe ee Soomaaliya 1991 waxaa dad badan ay sheegtaan guryo iyo dul danta guud loogu shaqayn jiray.

PUNTLAND POST