Booliska Soomaaliya oo sheegay in dalku wajahayo khatar amni

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Cabdalla Cabdalla Maxamed ayaa shalay shaaciyay in dalka uu wajahayo khatar amni oo aan la dhayalsan karin.

Taliye Cabdalla Cabdalla wuxuu sheegay in bixitaanka ciidanka Uganda uu keeni doono firaaq amni iyo khatar gelin amniga caasimadda Muqdisho.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya wuxuu intaas ku daray in ciidanka xoogga dalka aan masuuliyad aan loo diyaarin in ay gutaan waajibaadka difaaca dalka.

“Khatar amni oo aan la dhayalsan karin ayaa dalku wajahayaa, bixitaanka UPDF wuxuu keeni doonaa firaaq amni iyo khatar gelin amniga caasimadda, ciidankeena masuuliyad ahaan looga diyaarin in ay waajibaadkaas gutaan” ayuu hadalka qoraal ah ku yiri Gen. Cabdalla Cabdalla.

Hadalka Taliye ku-xigeenka ma uusan been Taliska Booliska, waxaana wararka qaar sheegayaan in aragtidaas uu la qabo Gen. Asad Cismaan Diyaano.

PUNTLAND POST