
Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabdulqaadir Aw Cali Firdhiye ayaa saaka ka degay magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo ay maanta ka dhacayso caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Galmudug Liibaan Axmed Xasan.
Madaxweynaha cusub ee Galmudug Liibaan Axmed Xasan ayaa si diirran magaalada Dhuusamareeb ugu soo dhoweeyay madaxweyne Firdhiye, isaga oo uga mahadceliyay booqashadiisa iyo ka qaybgalka munaasabadda caleemo-saarka.
Labada madaxweyne ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta iyo iskaashiga dowlad-goboleedyada, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo nabadda, amniga, dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.

Dhanka kale madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa lagu wadaa in ay saacadaha soo socda ka degaan magaalada Dhuusamareeb, iyaga oo ka qaybgalaya caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Galmudug.
Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle Aadan Madoobe & Xuseen Guudlaawe, duqa Muqdisho Muungaab, Ra’iisul Wasaarayaal hore oo ay ka mid yihiin Cabdiweli Gaas & Cali Maxamed Geedi iyo wufuud kale ayaa iyaguna ku sugan magaalada Dhuusamareeb.
Madaxweynaha Puntland & Jubaland iyo siyaasiyiinta mucaaradka Muqdisho ee ku jira Golaha Mustaqbalka ayaa iyagu ka qaybgalayn caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Galmudug.
PUNTLAND POST