
Booliska gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegay in ay qabteen 8 kartoon oo ay ku jiraan kiniiniyada maanka dooriya ee Bili-biliga iyo Tramadol.
Ku-simaha taliyaha qaybta Booliska gobolka Mudug ahna taliye ku-xigeenka Gashaanle Ayuub Siciid Cali (Dheeg) ayaa sheegay in howlgal ay iska kaashadeen ciidamada Booliska iyo hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Puntland (PISA) ee gobolka Mudug ay ku soo qabteen 8 kartoon oo ay ku jiraan kiniiniyada maanka dooriya ee Bili-biliga iyo Tramadol.
Gashaanle Ayuub Siciid Cali (Dheeg) wuxuu tilmaamay in ciidamada Booliska sii wadi doonaan howlgallada lagula dagaallamayo maandooriyaha, isaga oo bulshada Gaalkacyo ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, lana wadaagaan xogaha la xiriira maandooriyaha iyo falalka amni-darrada, si loo xaqiijiyo amniga iyo badqabka bulshada.
Kiniiniga maanka dooriya ee loo yaqaano Bili-biliga oo fara kulul ku hayo dhalinyarada Muqdisho, islamarkaana ka soo dega dekedda ayaa hadda soo gaaray deegaannada Puntland.
PUNTLAND POST