Maxay ka wada hadleen madaxweyne Deni iyo safiirka Denmark?

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta la kulmay safiirka dowladda Denmark ee Soomaaliya Danjire Steen Sonne Andersen iyo wafdi uu hoggaaminayo oo soo gaaray magaalada Garoowe.

Kulanka oo ay ka qaybgaleen xubno ka tirsan golaha xukuumadda Puntland, waxaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda.

Sidoo kale waxaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Puntland iyo Denmark ee dhinacyada amniga iyo horumarka, gaar ahaan la dagaalanka argagixisada, amniga badaha iyo mashaariicda horumarinta, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada.

PUNTLAND POST