Sheekh Shariif oo ka hadlay kulan uu la qaatay Islaan Ciise

Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kulan la qaatay Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ka mid ah isimada dhaqanka Puntland, islamarkaana hadda ku sugan magaaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif oo ka hadlay kulanka wuxuu sheegay in ay isaga iyo Islaan Ciise ka wada hadleen xaaladda guud ee dalka, doorka dhaqanka ay ku leeyihiin dowladnimadda iyo dib-u-heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa ka qaybgalay xildhibaan Axmed Maxamuud Jaamac Buux oo ka mid ah xildhibaanada mucaaradka ee laga soo doorto Jubaland, gaar ahaan magaalada Kismaayo.

Madaxweyne hore Sheekh Shariif waa mucaaradka ugu weyn ee Muqdisho ku sugan oo ka soo horjeeda dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

PUNTLAND POST