
Ciidan ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa galabta lagu laayay deegaan lagu magacaabo Jameeco oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, una u dhexeeya Balidoogle iyo Buurhakaba.
Ciidanka oo ku sii jeeday degmada Buurhakaba waxaa la sheegay in lagu qaaday weerar la aaminsan yahay in uu ku bilowday diyaaradaha is wada, kaas oo sababay khasaare badan oo soo gaaray ciidanka.
Wararka ayaa sheegaya in saraakiishii hoggaaminaysay ciidankaas qaarkood ay dhaawacmeen kuwana la la’yahay, islamarkaana ay gubteen qaar ka mid ah gaadiidkii ay wateen ciidankaas.
Ururka argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas, iyada oo tilmaamay in ay dileen ciidan gaaraya 300 oo askari, sida ay ku baahiyeen baraha internet-ka ee taageera.
Ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-shabaab iyo inta uu le’eg yahay khasaaraha ka dhashay weerarka ka dhacay deegaanka Jameeco.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda weli ka hadlin weerarka lala beegsaday ciidanka ku sii jeeday degmada Buurhakaba ee gobolka Bay.
PUNTLAND POST