Goosashodoonka iyo ujeeddadooda dhalasho-ka-xayuubinta Soomaalida

Danjire Axmed Ciise Cawad.

Garoowe (Faallo PP) — Axmed Ciise Cawad, Wasiirkii Hore ee Arrimmaha Dibedda ee Soomaaliya, wuxuu dhowaan fagaaraga X (oo loo yiqiin Twitter), ku soo gudbiyay xogwarran ku saabsa xaaladda siyaasadeed ee Geeska Afrika. Waxaa dhegeysiga hadalka Danjire Cawad ka soo qeybgalay dad badan oo uu ka mid yahay Xildhinaan Axmed Nuur (Guruuje) oo ka tirsan Golaha Shacbiga ee maamulka Somaliland.

Xildhibaan Garuuje wuxuu sheegay inuu hadda jiro dhowr iyo afartan sano, oo uu ahaa 8 jir 1991kii. In raggii Lixdamaadkii ilaa siddeetamaadkii qarnigii hore siyaasadda ku jiray ay geeriyoodeen; inuusan weligiis arkin dowlad mideysan oo Soomaaliyeed. “Kuwii sagaashamaadkii siyaasadda ku jiray ayaa sii socda” ayuu Guruuje yiri. Wuxuu intaas ku daray inuusan arkin wax muujinaya in dantiisu ku jirto midnimada Soomaaliya.

Aragtida goosashodoonka uu Guruuje u qareemayo waa mid Danjire Cawad u aragta inuu shisheeye ku yahay Laascaanood, Badhan, Buuhoodle, Burco, Hargeysa, Boorame iyo degmooyinka kale oo ka tirsan gabollada Waqooyiga Soomaaliya.

Xildhibaan Garuuje wuu baandheeyay dooddii goosashodoonka oo ku salaysnayd xuduudo gumeystayaashii kala dhex dhigeen Soomaalida ka sokow in Soomaaliya midowday 1960kii.

Yaa Guruuje iyo dadka la wadaaga aragtida goosashodoonka u banneeyay inay isku dayaan inay dhalashada Soomaalinimo ka xayuubiyaan malaayiin Soomaali ah oo uu Danjire Cawad ka mid yahay?

Waxa Maamulka Somaliland kaga duwan yahay dhaqdhaqaaqyadii goosashodoonka ka soo baxay Afrika qarnigii hore waa: Goosashodoonka Soomaalidu waxay dalka oo weli midaysan ku doodayaan in ay adeegsan karaan dhalasho-ka-xayuubin (denationalization). Barakicintii maamulka Somaliland Laascaanood sanadkii 2021 kaga barakiciyay ka badan 1700 qof oo Soomaali ah waa tusaalaha kowaad. Tusaalaha labaad waa dagaalkii 2023 ka dhacay Laascaanood oo sababay in culeyska difaaca qarannimada Soomaaliya lagu keliyeeyo beesha Harti.

Xildhibaan Guruuje si hufan ayuu u baandheeyay dooddii goosashodoonka oo ku salaysnayd xuduudo gumeystayaashii kala dhex dhigeen Soomaalida ka sokow in Soomaaliya midowday 1960kii. Waa suurtaggal in Xildhibaanku arkay meeshay ka jaban tahay doodda doonista kala goynta Soomaaliya.

© Puntland Post, 2026