Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu baaqay dhammaan qaybaha kala duwan ee Soomaaliya in ay isugu timaadaan shir deg deg ah oo looga arrinsado xaaladda dalka.
Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in uu madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud diiday qabashada doorasho heshiis lagu yahay iyo in uu fashinayo wada hadal kasta oo la xiriira arrimaha doorashooyinka.
“Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa dhammaan qaybaha kala duwan ee Soomaaliya in la isugu yimaado dhakhso, sidii loo badbaadin lahaa dowladnimada Soomaaliyeed” ayuu yiri madaxweyne Deni oo maanta hadal ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 59-aad ee baarlamaanka Puntland.
Hadalka madaxweynaha Puntland wuxuu yimid, xilli dhawaan ay Dowladda Federaalka sheegtay in ay doorashada madaxtinimada dalka dhaceyso 15-ka May 2027, halka tan labada aqal ee baarlamaanka la tilmaamay in ay dhacayso 15- April 2027.
PUNTLAND POST