Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Guddoomiyaha gobolka Mudug Cabdiweli Jibriil Bayle ayaa soo saaray amar mamnuucaya in Gaalkacyo iyo magaalooyinka kale ee gobolka dhexdooda lagu qaato hub.

Amarkan ayaa lagu sheegay in uu yahay mid lagu xoojinayo amniga iyo nabadgelyada guud ee bulshada, waxaana fulintiisa loo xilsaaray taliyaha qaybta Booliiska gobolka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka.
‎
‎Maamulka gobolka wuxuu ugu baaqay dhammaan bulshada ku nool Mudug in ay u hoggaansamaan amarkan, si loo xaqiijiyo amniga, xasilloonida iyo nabadgelyada guud.

Puntland waxay amar kan la mid ah hore uga soo saartay magaalooyin ay ka mid yihiin Qardho, Badhan iyo Boosaaso.

PUNTLAND POST