Wararkii ugu dambeeyay ee dabaqa ku dumay Nairobi

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dabaq dhowr iyo toban biyaano ka kooban oo shalay ku dumay xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Kipchumba Murkomen ayaa sheegay in qaybta sare ee dabaqa oo laga shaqaynayay ay ku sugnaayeen 67 shaqaale ah, islamarkaana 66 ka mid ah ay baxsadeen iyaga oo aan waxba gaarin, halka qofka kale dhaawacmay.

Sidoo kale qaybta hoose ee dabaqa oo dukaano kala duwan ahaayeen waxaa ku jiray ilaa 11 qof, kuwaas oo aan weli la helin, sida ay warisay wakaaladda wararka ee Associated Press.

Weli waxaa socda howlgallada lagu baadi-goobayo dadka la rumeysan yahay in ay ku hoos jiraan dhismaha dumay.

Hay’adda kormeerka dhismaha ee Kenya ayaa sheegtay in 87 boqolkiiba dhismayaashii la baaray dalka Kenya oo dhan sannadkii hore aysan buuxin heerarka loo baahan yahay ama aysan haysan oggolaanshaha rasmiga ah.

Dhismaha dumay waxaa la sheegay in la diiwaangeliyay 30-kii Luulyo, 2025, balse lama oga weli in dhismahaas la kormeeray ka hor inta uusan dumin iyo in kale.

PUNTLAND POST