Madaxweyne Deni oo dib ugu soo laabtay Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goordhaweyd oo galabta ah ku soo laabtay caasimadda Garoowe, kaddib safar uu muddo 41 cisho ah ugu maqnaa dalka dibadiisa.

Madaxweyne Deni ayaa ka hadlin safarka uu muddada dheer ku maqnaa, iyada oo la ogyahay in uu arrimo siyaasadeed u tagay dalalka Imaaraadka Carabta, Itoobiya iyo Kenya.

Ma jirin wax wafdi dowladeed ah oo safarka ku weheliyay madaxweyne Deni, marka laga reebo xubno ka tirsan qoyskiisa.

Madaxweyne Deni wuxuu 26-k bishan Oktoobar uu furi doonaa kalfadhiga 59-aad ee baarlamaanka Puntland, isaga oo lagu wado in uu jeediyo khudbad uu uga hadli doono xaaladda Puntland iyo tan siyaasadeed ee Soomaaliya.

Dhanka ka kale madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa lagu waddaa in ay dhawaan shir ku yeeshaan magaalada Garoowe, kaas oo ay go’aan kaga gaari doonaan doorashooyinka federaalka.

PUNTLAND POST